Go’aankaasi ayaa yimid, kadib markii uu Madaxweynaha Filibiin, Rodrigo Duterte ku tilmaamay Madaxweyne Obama Wiil ay dhashay Haweeney ka ganasata jirkeeda, waa sida uu hadalka u yiri.
Aflagaadadaasi ayaa hareysay Shirweynaha Hoggaamiyayaasha dalalka ku jira Isbahaysiga ASIYAAN  uga furmay caasimadda dalka Laaws ee Vientiane.
Madaxweynaha Filibiin oo muddo 2 bilood haya Xilkaasi ayaa la sheegay inuu dhowr saacadood kadib raalli-gelin ka bixiyey Aflagaada uu u geystay Madaxweyne Obama, wuxuuna Falkiisa tilmaamay inuu ahaa Weerar Shaqsiyadeed “Personal Attackâ€.
Dhinaca kale, Madaxweyne Obama ayaa lagu wargeliyey Aflagaadada, xilli uu ka qeyb galay Shirkii Hoggaamiyayaasha Dowladaha Wershadaysan ee G20, kaasi oo lagu soo gebagebeeyey magaalladda Hangzhou ee dalka Shiinaha.

U.S. President Barack Obama reviews honour guard during a welcoming ceremony at the Presidential Palace in Vientiane, Laos September 6, 2016. REUTERS/Jorge Silva
©Radio Dalsan

