My Blog

My WordPress Blog

Madaxweyne Obama oo baajiyey Kulan uu la yeelan lahaa dhigiisa dalka Filibiin.

Go’aankaasi ayaa yimid, kadib markii uu Madaxweynaha Filibiin, Rodrigo Duterte ku tilmaamay Madaxweyne Obama Wiil ay dhashay Haweeney ka ganasata jirkeeda, waa sida uu hadalka u yiri.

Aflagaadadaasi ayaa hareysay Shirweynaha Hoggaamiyayaasha dalalka  ku jira Isbahaysiga ASIYAAN  uga furmay caasimadda dalka Laaws ee Vientiane.

PHILIPPINE PRESIDENTMadaxweynaha Filibiin oo muddo 2 bilood haya Xilkaasi ayaa la sheegay inuu dhowr saacadood kadib raalli-gelin ka bixiyey Aflagaada uu u geystay Madaxweyne Obama, wuxuuna Falkiisa tilmaamay inuu ahaa Weerar Shaqsiyadeed “Personal Attack”.

Dhinaca kale, Madaxweyne Obama ayaa lagu wargeliyey Aflagaadada, xilli uu ka qeyb galay Shirkii Hoggaamiyayaasha Dowladaha Wershadaysan ee G20, kaasi oo lagu soo gebagebeeyey  magaalladda Hangzhou ee dalka Shiinaha.

U.S. President Barack Obama reviews honour guard during a welcoming ceremony at the Presidential Palace in Vientiane, Laos September 6, 2016. REUTERS/Jorge Silva

U.S. President Barack Obama reviews honour guard during a welcoming ceremony at the Presidential Palace in Vientiane, Laos September 6, 2016. REUTERS/Jorge Silva

©Radio Dalsan