My Blog

My WordPress Blog

Qaxooti u dhashay dalka Syria oo dib ugu laabtay Degmadda Jarabulus.

Koox ka kooban 292 Qaooti Suuryaan ah oo ku sugnaa Turkiga ayaa dib ugu laabtay Degmadda Jarabulus oo ay Milliteriga Turkiga dhawaan kala wareegeen Maleeshiyadda Kooxda Daacish.

Ku-xigeenka Ra’isul-wasaaraha Turkiga Nuradin Janikli ayaa sheegay inay dhiirigelkinayaan Qaxootiga dib ugu laabanayo Jarabuls wuxuuna xusay inay culayska saarayaan sidii loo soo celin lahaa Adeegyadda Asaasiga ee Degmadda Jarabulus oo ku taalla meel ku dhow xuduudka Turkiga la wadaagaan dalka Syria.

Dhinaca kale, QM ayaa sheegtay in Deegaan lagu tilmaami karo Goob Ammaan ah marka la damaanad qaado Badbaadinta Nolosha Dadka Rayidka ah.

Turkish-backed Free Syrian Army (FSA) fighters patrol in the border town of Jarablus, Syria, August 31, 2016. REUTERS/Umit Bektas

Turkish-backed Free Syrian Army (FSA) fighters patrol in the border town of Jarablus, Syria, August 31, 2016. REUTERS/Umit Bektas

©Radio Dalsan