My Blog

My WordPress Blog

Dowladda Britain oo sheegtay inay kordhinayso Ciiddanka ka jooga Somalia.

Xoghayaha Gaashaandhigga Britain, Michael Fallon ayaa hadalkaasi ka sheegay Shirweynaha ay Wasiiradda Difaaca ee 80 Waddan ku leeyihiin magaalladda London.

Shirweynahaasi waxaa looga hadlayey Hawlaha Nabad-ilaalinta QM ee ay ka wadaan dalalka Somalia iyo South Sudan.

Michael Fallon waxa kale oo uu tilmaamay in la kordhin doono Milliteriga UK ee ka hawl-gala gudaha dalka Somalia oo haatan tiradoodu tahay 40 Askari, lana gaarsiin doono ilaa 70 Askari.

Dowladda Britain oo dhawaan ka baxday xubinnimadda Ururka Midowga Europe (EU)-da ayaa xoojinaysa Kaalinta ay ka qaadato Taageeridda Hawlaha Nabad-ilaalinta ee ka socda Qaaradda Afrika gaar ahaan Hawlgalka Somalia.

Dowladda Britain waxay sannadkan ugu deeqday Dowladda Federalka Somalia lacag dhan 200 million oo Giniga Istarliinka (£200 million).

Dhinaca kale, Xoghayaha Dowladda Britain ugu qaabilsan Xafiiska Arrimaha Dibedda ee Britain Joyce Anelay ayaa sheegtay Taageeradda Dowladeeda ee Hawlaha Nabad-ilaalinta tahay sidii loo xaqiijin lahaa Badbaadinta Dadka Rayidka ee Hawlgalladda Nabad-ilaalinta.

Shirweynaha Wasiiradda Difaaca ee 80-ka Waddan ee kulanka ku leh magaalladda London oo socon doona muddo hal isbuuc ah ayaa looga hadli doonaan xaqiijinta Awoodaha wanaagsan ee Nabad-ilaaliyayaasha ee lagu badbaadinayo Dadka Rayidka ee ku nool dalalka ay dagaalladda ka socdaan iyo kuwa ay Deganaansho La’aanta  ka jiraan.

london-defence-summit

©Radio Dalsan

Â