My Blog

My WordPress Blog

Daalibaan oo sheegatay mas’uuliyadda weerar lagu qaaday Hotel ku yaalla magaalladda Kaabul.

Oogtii hore ee saakayto, Kooxda Daalibaan waxay gaari xamuul oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ku weerareen Dhismo Hotel oo ay inta badan deggan yihiin Milliteriga Shisheeyaha iyo Hay’addaha Rayidka ee ka hawlgala dalkaasi.

Sarkaal ka tirsan Adeeyadda Ammaanka ayaa sheegay inay 4 dagaalyahan oo  hubeysan weli ka dhinac dagaalamayaan Dhismaha Hotelka la weeraray oo lagu magacaabo The Northgate Hotel, kuna yaalla Waqooyiga Kaabul.

Hadal ka soo baxay Ururka Daalibaan ayaa lagu sheegay inay Dagaalyahanadooda weli ka dhex dagaalamayaan gudaha Hotelka iyo inay weerarkaasi ku dileen  Tobaneeyo qof oo dhimashoi iyo dhaawac leh.

Dhinaca kale, Dowladda Afganistan weli kama hadlin khasaaraha ka dhashay Weerarkaasi oo ah kii labaad ee wax ka yar hal isbuuc  ka dhaca magaalladda Kaabul.

©Radio Dalsan