My Blog

My WordPress Blog

Wershad ay Turkishka ku lahaayeen Ethiopia oo cagta la mariyey.

Dibadbaxayaal caraysan ayaa la sheegay inay weerareen, isla markaana burburiyeen qeybo ka mid ah Wershad farsamaysa Dharka oo ay Turkisha ka dhiseen Degmadda Sebeta oo 35 KM dhanka K/galbeed kaga toosan magaalladda Addis Abeba.

Agaasimaha Guud ee Wershadaasi, Faatix Maxamed Yangin ayaa xaqiijiyey inay Dibadbaxayaal badan soo weerareen Wershadaasi, isla markaana ay gubeen Qeybta Dhar-samaynta iyo 3 gaari oo halkaasi yaallay.

Wershadda la gubay oo ay lahayd Shirkadda Turkishka ee Saygin Dima waxaa la furay sannadfkii 2012-kii, waxaana ka shaqeyn jirey ku-dhawaad kun qof oo Ethiopian ah.

 ©Radio Dalsan