My Blog

My WordPress Blog

(SAWIIRO): War-murtiyeedka ka soo baxay Shirkii Madasha Wada Tashiga Qaranka ee la soo gebagbeeyey,

Madaxweynaha Dowladda Federalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo gebagbeeyey Shirkii Madaxda Qaranka iyo kuwa Maamul-gobaleedyadda uga socday magaalladda Muqdisho.

Shirka Madasha Wada Tashiga Qaranka ayaa laga soo saaray War-murtiyeed ka kooban 18 qoddob oo ku aadan Ammaanka, Nidaamka Doorashooyinka iyo Saami-qeybsiga Kuraasta Aqalka Sare.

Madaxda Madasha Wada Tashiga Qaranka, waxay isku raaceen in Kuraasta Aqalka Sare noqoto 4 Kursi, iyadoo Maamulladda Somaliland iyo Puntland la siiyey min 11 xubnood, halka Maamul-gobaleedyadda Galmudug, Puntland, K/Galbeed, iyo Hiiraan iyo Sh/dhexe la siiyey min 8 xubnood.

Madasha waxay kaloo isku raaceen Dhismaha Guddiga Amniga iyo Xalinta Khilaafyadda Doorashooyinka.

Akhristayaal War Murtiyeedka oo dhamaystiran waan idiin soo gudbin doonaa Insha Allaahu.
shirkii-madasha1shirki-madashashirkii-madasha4shirkii-madasha3shirkii-madasha2

 

02

©Radio Dalsan