My Blog

My WordPress Blog

Boqolaal Tahriibayaal oo uu ku jiray cunug ku dhex dhashay Doonida oo la soo badbaadiyey

Markab u kireysan Dhakhaatiirta aan Xuduudka Lahayn ee MSF ayaa soo badbaadiyey 392 Tahriibayaal la socotay 8 doonyaha la buufiyo iyo dooni kalluumeysi oo ay ka soo raaceen Xeebaha dalka Libya.

Tahriibayaasha la soo badbaadiyey waxaa ka id ahaa 55 qof oo da’doodu ka hooseyso 18 jir iyo 141 kale oo aysan Waaldikooda la soconin.

Sidoo kale, ilmo yar oo ay Waalidkiisa ka soo jeedaan dalka Nigeria ayaa ku dhex dhashay mid ka mid ah Maraakiibta soo badbaadiyey Tahriibayaasha.

Dhinaca kale, in ka badan Kun iyo Boqol Tahriibayaal ayey Ciiddanka Badda Talyaaniga soo badbaadiyeen maalintii Axadda ee la soo dhaafay.

©Radio Dalsan