My Blog

My WordPress Blog

Madaxa Guddiga Sacuudiga ee Hawlaha Xajka iyo Cumradda oo qaabilay Safiirka Somalia uga wakiilka ah dalkaasi

Xoghayaha Guud ee Guddiga Boqorka Sacuudiga u xil saaray Barnaamijka Xujeyda gudanayso Waajibaadka Xajka ee sannadkan, Sheekh C/llaahi Al-manlaj waxa uu Magaalladda Barakaysan ee Maka Al-mukarama kula kulmay Danjiraha Somalia u jooga Sacuudiga, Daahir Maxamuud Geelle iyo Wafdi la soday.

Wargeyska Alyoom ee ka soo baxa magaalladda Riyadh ayaa qoray in Kulankaasi looga hadlay sidii Xujeyda Soomaaliyeed loogu fududeyn lahaa Gudashadda Xajka oo dhawaan bilaaban doona

Danjire Daahir Maxamuud Geelle  waxa uga mahad celiyey Taageeradda Boqor Salmaan Bin C/casiis iyo Dowladda Sacuudiga la garab taagan yihiin Dowladda Federalka  iyo Ummadda Soomaaliyeed

Danjiruhu waxa kale oo uu tilmaamay inay Dowladda Sacuudiga door lafdhabar ah ka qaataan Qaddiyadda Ummaddaha Islaamka iyo Xoojinta Midnimadda Caalamka Islaamka.

©Radio Dalsan