My Blog

My WordPress Blog

(WARBIXIN): Kumanaan Tahriibayaal u badnaa Somali iyo Eritrean oo la soo badbaadiyey.

Maraakiibta Ilaaladda Xeebaha Talyaanigaiyo kuwa Kooxaha aan Dowliga ahayn ayaa soo badbaadiyey 6,500 Tahriibayaal ku sugnaa meel ka baxsan Xeebaha dalka Libya.

6,600 Tahriibayaal ayaa la soo badbaadiyey shalay, sida lagu shaaciyey Twitterka Ciiddanka Ilaaladda Badda Talyaaniga, waana Hawlgalkii ugu ballaarnaa ee ay Ciiddanka hal maalin kusoo badbaadiyaan Tahriibayaal.

Ilaa 40 Hawlgal Gurmad ah ayaa lagu soo badbaadiyey Qaxootigaasi oo ka dhacay meel 13 mayl dhanka Waqooyi kaga toosan Xeebta Degmadda Sabratha ee dalka Libya.

3,000 oo ka mid ah Tahriibayaasha ayaa la sheegay inay la socdeen 20 doonyood nooca Alwaaxa.

Wakaalladda Wararka AP ayaa soo bandhigtay Sawiro iyo Muuqaalo Video oo muujinaya Tahriibayaal Somali iyo Eritrean oo dhoola-cadaynayi, markii ay soo gaareen Maraakiibta Gurmadka.

Qaar ka mid ah Tahriibayaasha waxay ku boo gurmataya oo ay ku dabaasheen, halka kuwo kalena si taxadar leh carruurtooda u xambaarsanaa u dhaqaaqeen Maraakiibtii u soo gurmatay.

migrant

migrants 000

A migrant holds onto a railing at the stern of the Medecins Sans Frontiere (MSF) rescue ship Bourbon Argos somewhere between Libya and Sicily August 8, 2015. REUTERS/Darrin Zammit Lupi

 

©Radio Dalsan

Â