My Blog

My WordPress Blog

Askar ka tirsan kuwa Dowladda oo lagu dilay Sh/dhexe.

Dagaalyahano ka tirsan Xarakadda Alshabaab ayaa waxay weeraro gaadmo ah ku qaadeen Ciiddan ka tirsan kuwa Dowladda Federalka oo ku sugnaa Tuulladda Ceelka Geelow ee duleedka Degmadda Balcad.

Ilo-wareedyo ku sugan Deegaankaasi ayaa u sheegay Xogtamedia.net in ay Dagaalyahano Alshabaab soo weerareen Bar Kontorool oo ay ciiddanka joogeen, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday in ka badan 30-daqiiqo.

Iska horimaadkaasi waxaa ku geeriyootay 5 qof oo isugu jiray Ciiddan iyo Dadweyne, mana kala cadda khasaaraha soo gaaray Dagaalamayaasha Alshabaab oo iyagu iska horimaadka kadib isaga baxay Tuulladda Ceel Geelow.

©Radio Dalsan

Â