My Blog

My WordPress Blog

Rag Maraykan oo ku eedeysan inay dhaawaceen rag Soomaali ah oo la soo maxkamadeeyey.

Labada Eedeysane oo ka soo jeeda Degmadda Dodge ayaa lagu soo oogay Dembiyo Isir-nacayb ah, kadib, markii ay weerar u geysteen 3 nin oo Somali ah oo ay ku colaadinayeen Dalka ay asal ahaan ka soo jeedaam.

Ku-simaha Xeer-ilaaliyaha Degmadda Kansas, Tom Beall ayaa sheegay in Labada Eedeysane oo lagu kala magacaabo Omar Kantero Martinez oo 31-jir ah iyo Armando Sotelo oo 24 jir ah lagu soo oogay 3 Fal-dembiyeed iyo inay 3 nin oo Somali ah dhaawaceen bishii June 19-keedii ee sanadkii hore ee 2015-ka.

HATE CRIMESDembiilayaasha waxay dhalooyin jabsan ku dhaawaceen Muwaadiniinta Soomaalida, oo iyagu  si  sharci ah ku jooga Maraykanka, isla markaana deggan Degmadda Dodge.

Waaxda Dembi-baarista Boliska Maraykanka ee FBI-da iyo Boliska Degmadda Dodge ayaa baaray dhacdadaasi, waxaana la filayaa inay Maxkamadda labada Eedeysane ku xukunto Xabsi min 10-sanno ah iyo inay bixiyaan ganaax dhan 250,000 oo Dollar.

©Radio Dalsan