Madaxweyne  Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo muddo 3 maalmood booqasho hawleed ku joogay magaalladda Beled-weyne ayaa sheegay inuu guul ku soo dhamaatay Kulankii ay la yeesheen Reer Hiiraan.
†Allaah ayaa mahad leh oo si guul ah inoogu soo dhameeyey kulamadii aan la lahayn reer Hiiraan, kulamadaas oo ujeedadoodu ahaayd la-tashiyo iyo in aan u sharaxno dhisamaha maamulka Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe oo qorshuhu yahay in todobaadka soo socda ka furmo magaaladda Jowhar iyo inaan sii xoojino heshiiskii la dhax-dhigay Beelahii walaalaha  ee uu khilaafka ku dhex maray Beledweyn†ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Waxa uu u mahad celiyey  Odayaasha Dhaqanka ee Dowladda Federaalka ah gacanta ku siiyeen in xal laga gaaro khilaafkii dadka walaaha ah ku dhex maray Beledweyn.
Dhinaca kale,  Madaxweynaha waxa uu u mahad-celiyey Odayaasha Dhaqanka iyo qeybaha kale ee Bulshadda Gobolka Hiiraan oo soo dhaweyn waanaagsan u sameeyey , isla markaana la wadaagay dareenkooda iyo kalsoonida ay ku qabaan Dowladda Federaalka ah.
©Radio Dalsan     Â





